Sida ay baahiyeen warbaahinta dalka iyo warbaahinta caalamka dowladda Kenya ayaa sheegatay in ay dishay nin ay ku sheegtay in uu ahaa madaxii sirdoonka ee Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Karataay.
Duqeyn diyaaradaha dagaalka ah ee dalka Kenya ay geysteen mudo haatan laga joogo 10 maamlmood ayaa lagu sheegay in lagu dilay Maxamed Karataay iyo 10 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab, kadib markii duqeyntaasi lagula eegtay koonfurta dalka Soomaaliya sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday dowladda Kenya.
Kenya ayaa waxa ay aaminsantahay in shaqsiga ay dileen uu door weyn uu ka cayaaray weerarkii 15kii bisha janaayo ay askarta badan ku dhinteen kaa oo ka dhacay saldhiga ciidamada milatariga Kenya ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Ceel Cade, Halkaa oo ay Al-shabaab masuuliyadiisa ay sheegteen.
Al-shabaab ilaa iyo hada wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada dowladda Kenya ee ku aadan in la dilay Mr.karataay oo la sheegay in uu ahaa madixii sirdoonka ee alshabaab
Dowladda Kenya ayaa la sheegay in ku dhowaad 4000 oo ciidan in ay kaga suganyihiin soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah 2200 oo askar oo howlgalka Midowga Africa Soomaaliya u jooga dalka Soomaaliya laguna caawinaayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii Ceel Cade ay ku dileen in ka badan boqol askari kadib bartamihii bishii janaayo weerarkaasi ay qaadeen xilli aroor hore ah.
Laakiin dowladda Kenya ayaa waxa ay ka qarisay tirada qasaaraha soo gaaray marka loo eego sheegashada Al-shabaab


