Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca wax basaasa ah ay kusoo dhacday gobolka Shabeelaha hoose.
Diyaarada ayaa la sheegaya in ay ku soo dhacday deegaanka Baladul amiin oo qiyaas ahaan 30 km u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan diyaarad nooca waxbasaasa ah ayna soo bandhigi doonaan muuqaalo iyo sidoo kale sawiro muujinaaya diyaarada soo dhacday.


