Madax ka tirsan dowladda Kenya ayaa cabasho ka muujiyay dhaqaalo daro soo wajahday ciidanka Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya qeybtana ka ah ciidanka AMISOM ee ee ka howlgala Soomaaliya.
Afhayeenka ciidanka dowladda Kenya korneel Obonyo ayaa sheegay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay soo wajahday dhaqaalo daro midii ugu xumeyd.
korneel Obonyo ayaa si cad u qiray in ciidanka Kenya ay dhibaato weyn oo dhanka dhaqaalaha ah ay soo wajahday ,islmarkaana muddo aysan qaadan lacagtii loogu talagay.
Dhankale Ndung’u Gathenji oo ah gudoomiyaha guddiga Difaaca Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in ay jirto dhibaatada dhaqaale ee soo wajahday ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in madaxda ciidanka dowladda Kenya ay ka shirayso dhibaatada dhaqaale ee ku timid ee ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM .
Ndung’u Gathenji ayaa sheegay in ciidanka Kenya aysan haysanin qalab ku filan oo ay kula dagaalamaan Shabaab,waxa uuna Qaramada Midoobe ugu baaqay in ay caawiso ciidanka Kenya.
Ciidanka Kenya ee sugan Soomaaliya ayaa shabaab waxay kala kulmaayaan dagaalo iyo sidoo kale qaraxyo joogta ah.


