Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Al Shabaab ayaa fariin cusub oo hanjabaad ah waxa ay u direen Dowladda Kenya, xili ay dowladda Kenya dagaal culus kula jirto Shabaab.
Hogaamiyaha Shabaab u qaabilsan dalka Kenya ninka lagu magacaabo Sheekh Axmed Iiman Cali, ayaa wuxuu sheegay inay sii kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Kenya.
Waxa uu sheegay inaysan marnaba u dulqaadaneyn in la dhibaateyo Bulshada ku nool dalka Kenya ee Muslimiinta ah.
Al Shabaab ayaa weeraro dhiig badan ku daatay ka fuliyay gudaha dalka Kenya welina waxa ay sii wadaan hanjabaadaha kala duwan ee ay u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Kenya.
Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarumo ganacsi,kuwa waxbarasho iyo sidoo kale saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Kenya waxayna dileen kumanaan qof oo ka mid ah dadka reer Kenya.


