Dilalka Dhallinyarada Soomaalida oo kusii kordhaya Sweden

Waxaa sii kordhaya dilalka dhallinyarada Soomaalida ku nool dalka Sweden, taasi oo walaac geliyey waalidiinta iyo bulshada Soomaalida ee dalkaas.

Sweden ayaa waxaa ka jira koox burcad ah oo dhallinyarada Soomaalida ay qeyb ka yihiin, kuwaasi oo dilalka gaysta ama ayaga loo gaysto.

Kooxahan ayaa ah kuwa ku lug leh ka ganacsiga daroogada, taasi oo horseedda inay isku dhacaan ayaga oo ku dagaalamaya daroogada, kadibna hogaamisa dilalka.

Waxaa sidoo kale jirta dhallinyaro Soomaali ah oo aan kooxahan qeyb ka ahayn balse mararka qaar la kulma dilal, ayada oo dhowaan la dilay wiil Soomaali ah.

Dilalka dhalinyarada Soomaalida kuma koobna kaliya Sweden, balse waa mid ku baahsan waddamo badan