Minneapolis-RisaalaFM- Dhagaysiga dawcadda saddex wiil oo Soomaali ah ayaa wali waxa ay ka socotaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Waxaana dacwadda dhalinyarada Soomaalida ah ay maanta gashay maalintii 10-aad oo ilaa iyo hada ay wali Maxkamaddu wax dambi ah aysan ku qaadin ama xuriyadooda aysan siin.
Saddexda nin ee ka soo jeeda Soomaaliya ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdixamiid Faarax oo 22 jir ah, Cabdiraxmaan Yaasiin Daa’uud oo 22 jir ah iyo Guuleed Cali Cumar oo 21 jir ah.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ku eedeysan yihiin in ay doonayeen inay ku biiraan ururka ISIS si ay taageero ugu muujiyaan iyo inay qorshaynayeen weeraro iyo dilal ay ka geystaan dalka Mareykanka.
Maalintii Arbacada aheyd waxa ay dowladda Mareykanka ay Maxkamadda soo fariisisay mid ka mid ah markhaatiyaasheeda ugu weyn oo ah Cabdiraxmaan Bashiir oo si qarsoodi ah wararka ugu soo tebinayey hay’adda FBI-da ee dalka Mareykanka.


