Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhowaan soo dhisay Golahiisa Wasiirada cusub ee Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay dhameystirka iyo soo xulista Golaha Wasiirada.
Waxa uu sheegay madaxweyne Axmed Madoobe in cid walba oo reer Jubbaland ay xubin ku yeelan doonto dhameystirka Golaha wasiirada ee Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in dhanka dumarka qorshohooda ay ku guda jiraan oo dhowaan iyaguna ay heli doonaan shaqadii ay ku la haayeen xukuumadda Jubbaland.
Golaha Wasiirada ee dhowaan uu ku dhawaaay Madaxweynaha Jubbaland waxaa ka dhex muuqda oo liiska ku jira Wasiiro dib loo soo celiyay oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiro kale.
Sidoo kale Gollaha Wasiirada ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin caan ka ah deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.
Shalay ayay aheyd markii siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Risaala ay sheegeen in aan loo dhameyn magacaabistan ayna si cad uga soo horjeedaan hadii ay yihiin siyaasiyiinta Jubbaland.


