Maxkamad kutaal dalka Maraykanka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka soo hormuuqdaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeeysan falal Argagixiso.
Dacwad oogayaasha dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis waxay maanta mar kale dib u dhegeysan doonaan mid ka mid ah Kiisaska ugu weyn ee Argagixisadda.
Kooxda Dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta lagu wado in la maxkamadaynayo ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Faraax oo 22-jir ah Cabdiraxmaan Daa’uud oo 22-jir ah iyo Guuleed Cumar oo 21-jir ah ayaa maanta oo Isniin la soo taagayaa Maxkamadda, dhammaantoodna waxay ku eedeeysan yihiin in ku biiri rabeen Kooxda Daacish ayna qorshaynayeen in ay u safraan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Xukunka ay muteysan doonaan dhalinyarada oo muddo badan maxkamad lo horgeeyey ayaa maanta lagu wadaa in ugu dambeyntii in go’aan laga gaaro.
Dalka Maraykanka waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaa soo ku eedeeysan in qorshaynayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish


