Dowladda Turkiga oo Shixnad gar gaar ah u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Turkey oo ka mid ah dowladda taageera Soomaaliya dalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay Soomaaliya u soo dirtay shixnad gargaar oo loogu talagalay dad badan oo ku dhibaateysan dalka Soomaaliya.

War kasoo soo baxay Hay’adda Musiibooyinka deg deg ee dalka Turkey ayaa lagu sheegay in dowladda Turkey ay Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar oo  dhan 11,000  tan si loo caawiyo shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Musiibooyinka deg deg ee dalka Turkey  Fuat Oktay ayaa sheegay in shixnaddaan loogu talagalay in lagu gargaaro dad badan oo ku xoolo beeley abaarihii ku dhuftay Soomaaliya

“shixnadaan ayaa loogu talagay in lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed ee dhibaato ku heysato dalk aano waalaha nahay ee Soomaaliya,waa muhiim inaan caawinaa hooyooyinka Soomaaliyeeed “ ayuu yiri Fuat Oktay.

 

Dowladda turkey ayaa sheegtay in ay Soomaaliya caawinaysay muddo dhan Shan Sano haddana ay diyaar u tahay in ay sii waddo gargaarka ay Soomaaliya siiso.