DHAGEYSO:Shaqaale u shaqeynayay hay’ad samafal oo afduub loo geystay

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqaale hay’ad samafal u shaqeynayay laga afduubtay deegaanka Siidamo oo qiyaastii 55km u jira deegaanka Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.

Rag hubeysan oo loo maleenayay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in shaqaalahan hay’ada samafalka ay afduubteen.

Inakstoo ilaa iyo hada aysan cadeyn hay’ada ay u shaqenayeen shaqaalaha la afduubtay.

Saddex ruux oo u shaqeynayay hay’ad samafal iyo daroowalkoodii ayaa la sheegayaa in ay gacanta u galeeen kooxaha hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Baardheere in ragan ay afduubteen shaqaalahaasi u shaqeynayay hay’ad samafal.

27 December 2015 ayaa Al-shabaab waxa ay afduubteen shaqaale u shaqeynayay urur samafal oo wadani ah.

Ilaa iyo hada lama oga Saddexdan ruux iyo daroowalkoodii halka lala aaday.