DHAGEYSO: Kooxo hubeysan oo qabsaday deegaano ka tirsan gobolka Nugaal

Kooxdii hubeysneed ee xalay la wareegtay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in ay isaga baxeen deegaankaasi iyagoo qabsaday deegaano kale oo xeebta kulaala oo hoostaga deegaanka Eel ee gobolka Nugaal.

Wararka laga helayo demaga Eel ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in kooxdii hubeysneed ee doonyaha ku soo gashay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug isla xalay ay isaga baxeen deegaankaasi oo ay u jiheesteen deegaano miyi ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Garacad ee gobolka Mudug C/nuur C/laahi Xirsi oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa arimahaasi ka warbixiyay.

Deegaano fara badan oo ka mid ah kuwa Puntland ayaa cabsi laga qaba in ay la wareegaan kooxahaasi hubeysan inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta ay isaga baxeen deegaanka Garacad oo xalay ay la wareegeen.

Sidoo kale Puntland oo ka hadashay ayaa sheegatay in kooxahaasi laga soo abaabulay koonfurta Soomaaliya.