DHAGEYSO+SAWIRO:- Hooyo Muumino oo Gurmadkii ugu horeeyay maanta la gaarsiiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Saacado ka dib Markii laga baahiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho Warbixin ka hadleysay Xaalada ay ku sugan tahay Hooyo Muumino Aadan Cali ayaa Maanta waxaa la gaarsiiyay gurmadkii ugu horeeyay.

Dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka iyo dibadiisa ayaa ka murugooday Xaalada ay ku sugan tahay Hooyo Muumino waxa ayna ka sameeyeen gurmad deg deg ah.

Lacagihii uu Maamulka Idaacadda Risaala ka soo aruuriyay dhageystayaashiisa iyo lacago kale oo dibada laga soo diray ayaa wxaa Maanta Hooyo Muumino loogu gaday raashiin iyo agabyo kale oo ay u baahneyd.

Deeqda raashiin ee Maanta loo geeeyay Hooyo Muumino ayaa waxa ay ka koobneyd Bur, Bariis, Sonkor, Timir, Caanaha Kasaca iyo lacag kasha ah oo gaareysay 2 Milyan oo shilling Soomaaliga ah.

Sidoo kale Hooyo Muumino waxaa loo geeyay Maanta Gaarigii ay u baahneyd oo ay horay u dalbatay ee ahaa midka ay isticmaalaan dadka lugaha Naafada ka ah.

Gaariga oo ahaa mid Cusub ayaa lacagtii lagu gaday waxaa bixisay Haweeney Soomaaliyeed oo Warbixinta markii ay dhageysatay ka dib balan qaaday in ay gadeyso.

Maamulka Idaacadda Risaala iyo qaar ka mid ah Howl Wadeenada Idaacada ayaa Maanta duhurkii si kedis ah deeqdaan ku gaarsiiyay Hooyo Muumino iyadoo aysan fileynin ama aysan ka warheyn.

Hooyo Muumino oo fadhiday Banaanka hore ee qolka ay dagan tahay ayaa waxaa si lama filaan ah ugu tagay Kooxdii ka socotay Idaacada Risaala ee deeqda raashiinka, lacagta iyo gaariga u waday.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Mudane Maxamed C/wahaab C/llaahi ayaa sharaxay meelaha ay lacagtaan ka timaaday.

Hadiyad ama Abaal marino lagu siiyo Waxaa ugu qiimo badan mida lagu siiyo adigoo aanan fileyn oo si kedis ah.

Hooyo Muumino Aadan Cali oo Wejigeeda laga dheehan karo Farxad sidoo kalena ku fadhida Kursiga Cusub ee loogu deeqay ayaa u mahad celisay dadka Soomaaliyeed ee ka damqaday Xaalada adag oo ay ku sugan tahay.

Hooyo Muumino ayaa mar kale dadka Soomaaliyeed ka codsatay in dayactir loogu sameeyo guriga ay dagan tahay sidoo kalena laga taageero sidii ay u heli lahayd Bacaha roobka maadaama guriga ay hada dagan tahay uu yahay mid burbursan oo aan roobka iyo dabeysa saa’idka ah iska celin karin.

Agaasimaha Idaacadda Risaala Mudane Maxamed C/wahaab C/llaahi ayaa balan qaaday in lacag walbo iyo agabyo kasta ee loogu deeqo Hooyo Muumino in ay gaarsiin doonaa.

 

W/D:- Axmed Cabdi Cali

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24