Xukumadda Soomaaliya ayaa markii horeeysay ka hadashay xiliga kala guurka iyo boobka hantida qaranka .
Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana xiliga kala guur aan la boobin hantida qaranka.
Waxa uu sheegay in hantida qaranka ay leeyihiin Shacabka Soomaaliya ,sidaas darteedna ay muhiim tahay in aysan saameyn ku yeelan kala guurka dowladda.
Hadalkaan ayuu ka jeediyey Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib xil wareejin shalay ka dhacay Muqdisho.


