DHAGEYSO: Gaas oo baaq u diray Shacabka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u diray shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan.

Gaas ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan kala guurka dalka maadaam uu sheegay in dhawaan dalka ay ka dhalan rabto dowlad cusub.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay  ku taageeraan sidii puntland ay ugu qeyb qaadan laheyn kala guurka cusub ee Soomaaliya.

Bisha September ee sanadkaan ayaa la filaya in ay dalka ay ka dhacaan doorashooyin,waxaana madaxweyne Gaas uu bulshada ku baraarujiynayaan in ay ka qeyb qataan doorashooyinkaas.