Wafdi ka socda Galmudug oo saakay ku wajahan Caabudwaaq

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ujeeda safarka madaxweynaha Galmudug  ayaa ah in uu ka qeyb galo aas maanta magaaladaas loogu sameyn doono Ugaas Ciise Ugaas Cabduule oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu la kulmo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Caabudwaaq.

sidoo kale maanta waxaa lagu wadaa in ay  gaaraan Caabudwaaq  madaxweynayaasha jubbland iyo Puntland si ay uga qeyb galaan aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabduule