Wararkii ugu dambeeyey weerar saakay ka dhacay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen tuulada  lagu magacaabo  Ceel Timir  oo ka tirsan deegaanka Galcad.

Maamulka degaanka Galcad oo ka tirsan Galgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ay dileen ku dhawaad 15 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Weerarka ayaa  dhacay saakay aroortii sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ku sugan Galgaduud.

Majiro war ka soo baxay Al-shabaab oo ay uga hadleen weerarka ka dhacay tuulada Ceel-timir oo ka tirsan deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.