Dowladda Soomaaliya ayaa Faahfaahin Ka Bixiysay Howlgalkii ka dhacay degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in marka ay saacaddu ku beegneyd 04:00Am xiliga Geeska Afrika ay Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya howlgal qorsheysan ku fuliyeen Saldhig ku yaal Deegaanka Toorotooroow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in ay dileen saraakiil ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa degmada Toorotooroow .
Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ma shaacin magacayada iyo xilalka ay hayeen saraakiisha ay sheegeen in ay dileen.
Majiro war kasoo baxay Al-shabaab oo looga jawaabaayo hadalka taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ee ah in ay dileen hogaamiyaal ka tirsan Shabaab.
Shalay ayey ahayd markii Shabaab ay sheegeen in ay fashiliyeen weerar ciidamo Maraykan ah ay ku soo qaadeen degmada Toorotooroow


