Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay si wanaagsan u wada xiriiraan Hay’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka iyo xukuumada isla markaana ay si wanaagsan iskula shaqeeyaan.
Waxaana uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan in ay sii wadaan xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya baarlamaanka iyo xukuumada.
Ugu dambeyna waxa uu xusay in xilligaan oo kale marka la gaaro ay is khilaafi jireeen hay’adaha Dowladda gaar ahaan baarlamaanka iyo xukuumada.


