Xasan Sheekh oo Baarlamaanka kula dardaarmey xoojinta dowlad wanaaga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmey Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay midnimada adkeeyaan.

Waxaa uu Madaxweynaha hadalkan ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey xiritaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka oo xalay lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamey in Baarlamaanka Federaalka uu guulo waaweyn ku tallaabsadey, taasna ay ugu wacan tahay doodaha dhaxalgalka ah ee xubnaha baarlamaanka ay is weydaarsanayeen, kuwaas oo dhammaantood ujeedka uu ahaa in wax lagu saxo, laguna dhiso dowladnimo Soomaaliyeed oo hufan.

“Waxaan Baarlamaanka Federaalka ugu hambalyeynayaa hawsha wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan. Horumarka lagu tallaabsadey waa mid muuqda, oo weliba aan muddo kooban ku gaarney. Muddo saddex sanno iyo bar ah oo uu baarlamaankan jiray waxaa u qabtey hawlo badan oo muhiim ah. Sideedaba dal marka uu ka soo baxo nidaamka ku meel gaarka ah, waxay ku qaadataa ilaa labaatan sanno in dib u soo kabasho buuxda la gaaro, laakiin xawliga aan ku socono waxay muujineysaa inaan muddo intaa ka gaaban aan dib u soo kabasho buuxda ku gaari karno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hay’adaha dowliga ee dalka ay horumar wanaagsan sameeyeen, isla markaana hay’ado caalami ah ay taasi ka marag kaceen. Waxaa uu sheegay in weli caqabado amni ay jiraan, balse dhibaatada ugu weyn ay tahay sidii loo beddeli lahaa fikirka khaldan ee caalamku ka haysto Soomaaliya.

“Amniga waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir ah u wajahna, tallaabooyin ad-adagna qaadna. Waxaa iyana jirta dhibaato aan is leeyahay taa way ka weyn tahay oo ah fikirka nalaga qabo oo ah inaan nahay dal burburey weli dib u dhac sameynaya. Sidii taasi loo beddeli lahaa waxay u taalla Soomaali oo dhan. Waxaan dhanka kale idin ku bishaareynayaa in dhowaan shirkii Madaxda Midowga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa, warbixin laga hor akhriyey shirka lagu xusay in Soomaaliya ay tahay meesha keliya ee horumar la taaban karo uu ka jiro qaaradda, marka loo eego dalalka kale ee Afrika ee xasaradaha ay ka jiraan’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si hore loogu si dhaqaaqo, loona xajiyo guulaha la gaaray loo baahan yahay in la joogteeyo ku dhaqanka nidaamka dowliga iyo habraaca.

“Dowlad hufan inaan dhisano waxaa sal u ah inaan oggolaano ku dhaqanka nidaamka sharciga iyo habraaca dowladnimo. Waa in uu jiraa xisaabtan dhameystiran oo lagula xisaabtamo madaxda, xildhibaanada iyo dhammaan hawlwadeenada ummadeena u adeegeysa. Haddaan sida sameyno inagoo gacmaha is haysana, waxaa hubaal ah inaan hormar dhinac kasta gaari doono, shacabkana aan si wanaagsan ugu adeegi doonno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh waxaa sidoo kale uu sheegay in jaangooynta siyaasad hufan ay muhiim u tahay mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliya.