DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dooni hub u soo waday Soomaaliya

Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinaya muuqaalka dooni lagu qiyaasay in ay ka weyntahay doomaha kalluumeysiga caadiga ah taa oo laga dajinayo hubka.

Nuucyada hubka oo kala duwan marka laga yimaado hubka ayaa ahaa mid cusub, waxaana laga dajiyay doonida sida la sheegay  ku soo wajahneed xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana soo baxaya su’aalo badan oo ku aadan in hubka ay gacanta ku dhigeen ciidanka bada dowladda Australia.

Goobta doonida lagu qabtay waa ay ka fogtahay xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya halka loo waday hubka iyo wadanka laga keenay hubka.

Admiral David oo ka mid ah saraakiisha bada ee ciidanka dowladda Australia ayaa sheegay in feejignaan ciidamadooda ay ku jiraan suurta galisay in ay gacanta lagu dhigo inta aysan u soo gudbin xeebaha dalka Soomaaliya.

Shabaq weyn oo kalluunka lagu dabo ayaa hubka lagu qariyay, waxaana uu ka koobnaa 1989 xabo oo qoriga AK47-ka ah boqol gantaalada gacanta lag tuuro, 49BKM nuuca Raashiyaanka ah iyo ku dhowaad 60 hoobiye.

Waxaa haatan socda baaritaan lagu sameynayo wadanka laga keenay doonida hubkaasi siday iyo cida loo waday, laakiin waxaa ilaa haatan la xaqiijiyay in hubkaasi uu ku soo wajahnaa xeebaha dalka Soomaaliya.