Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fariiin u dirtay dadka haysta hubka sharci darrada ah in ay mudo bil gudahood isku soo diiwaan galiyaan, si loo xaqiijiyo amniga magaalada muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Cabdi kaamil Macalin Shukri oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda amniga ayaa sheegay in ay wasaaraddu ay fareyso shirkadaha, dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, Xarumaha ganacsi, Hotelada, Shirkadaha ilalada gaar ka ah, xarumaha warbaahineed hubka ay heystaan ay wasaaraddu mudo 30 cisho gudahood iska soo diiwaan galiyaan wasaradda si loo ogaado cadadka hubka yaalla magaalada muqdisho.
Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay soo dhaweneyso habka farsamo ee loogu kala qeybiyay ciidmada Nabad sugidda iyo Booliska ee ilaalada ka ahaa wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda muqdisho, isagoona xusay in laga soo bilaabo wadada Liido ilaa Ekis Kontarool Afgooye . Lagu warejiyay ciidamada Booliska si ay u sugaan amaanka.
Jidadka waaweeyn ee Sodonka, warshadaha iyo Wadnaha ayuu sheegay afhayeenka in lagu wareejiyay ciidamada Nabad sugidda si ay u sugaan amniga wadooyinkaasi,
Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku soo xiray in Talisyada kala duwan ee loo qeybiyay howshaasi lagula xisaabtamayo wixii amni darro ah ee ka dhaca goobaha ay amni sugidda ka hayaan.


