Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dhibaatada ugu daran ee dalka ka jirta in ay tahay siyaasada guud ee dalka oo qaldan, isagoo intaa ku daray caalamka in dhinac walba uu ka taageeri karo Soomaaliya, laakiin caalamka uu san ka taageeri karin siyaasada.
Waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu tilmaamay in hadii siyaasada qaldan la hagaajiyo ay ku xiran yihiin wax walbo oo hormar ah.
Inkastoo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya markasta ay ku cel celiyaan in ay leeyihiin qorshe siyaasadeed oo ay ku wanaajinayaan hanaanka dalka ayaa hadana siyaasiyiinta dhaliila dowladda waxa ay mar walba ku eedeeyaan madaxda dowladda in ay lahayn siyaasad fadhida.


