DHAGEYSO: Xubinta tixanaha Risaala oo la soo gaba gabeeyay

Barnaamijka Toosinta Ubadka ayaa ka mid ah barnaamijyada ka baxaya Idaacada waxaana barnaamijkaan uu si gaar ah ula hadlaa Caruurta Soomaaliyeed oo loogu talagalay inay wax badan ka faa’iideestaan.

Tixanaha Risaala waxay ubadka Soomaaliyeed kaga sheekaynaysaa Siirada Nabigeena NNK ha’ahaatee oo qayb ka ahayd barnaamijkaan ayaa socotay 3-dii bil ee ugu danbaysay.

Tixanaha xubintaan ayaa waxaa si gaar ah ugu xirnaa oo ka faa’iideysanayay ku dhowaad 100 caruur ah oo degan degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir iyo deegaanada ku dhow dhow magaalada Muqdisho.

Ustaad Cabdiwali Yaxyaa Cali oo ah Madax barnaamijkaan ayaa ka waramaya muhiimada Xubintaan.

Qaar ka mid ah ubadka ku tixnaa tixanaha siirada rasuulka ayaa ayaguna dareenkooda ku cabiray.

Qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee dhalay Ubad ku xiran barnaamijka Toosinta Ubadna si gaar ahna kaga faa’iideestay tixanahaan qiimaha badnaa ayaa ayaguna si gaar ah ugu amaanay idaacada iyo madaxa barnaamijka Ustaad Cabiwali Yaxyaa Cali.