Howlgal hub ka dhigis oo khasaare sababay ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Waxaana howlgalkaasi ujeedadiisa ay ahayd sidii maleeshiyaadka hubka ku dhexsita magaalada Beledweyne looga qaadi lahaa.
Waxaana wararka ay sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ka dhacay oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka hubeysan iyo dowladda Soomaaliya.
waxaana ku dhaawacmay labo qof oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay.
Wariyaheena Yuusuf Cabdi Aadan oo ku sugan Beledweyne ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.


