DHAGEYSO: Xildhibaanadii dhexdhaxaadinta u tagay Cadaado oo kusoo laabtay Muqdisho

Xildhibaanadii dhexdhaxaadinta u tagay Cadaado Khilaafka Madaxda Sare ee maamulka Galmudug ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in ay waxyaabo badan ay ku guuleyteen intii ay joogeen Magaalada Cadaado,islamarkaana ay ku guuleysteen in ay ka hortaggeen falal Amni daro oo ka dhaca Magaalada.

Xildhibaanada oo Saxaafadda kula  Muqdisho waxa ay sheegeen in xaaladda Amni ee Magaalada Cadaado ay caadi kusoo laabatay.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dadka reer Galmudug ay dhexdooda dhameysan doonaan khilaafka u dhaxeeya.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa Saxaafadda u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka cowdeen Waxgaradka iyo Madaxda Galmudug.