DHAGEYSO: Xildhibaano iyo Siyaasiin Maanta Ku Wajahan Magaalada Beledweyne

Siyaasiin iyo sidoo kale xildhibaano ayaa Maanta ku wahajan  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedka ay ugu wajahan yihiin magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay in ay tahay caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xildhibaan Xasan Ibraahim oo ka mid ah xildhibaanada dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay maanta gaari doonaan magaalada Beledweyne si ay uga qeyb galaan caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif .

Waxaa uu sheegay in caleema saarka ay ka qeybgalayaan gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale siyaasiin si weyn looga yaqaano dalka Mareykanka.