Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay tilaabo qaadi doonaan askarta wadooyinka Muqdisho dhigta isbaarooyinka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in maamulada degmooyinka looga baahanyahay in ay wax ka qabtaan askarta dhigta isbaarooyinka wadooyinka Muqdisho.
Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in duqa Muqdisho uu amar ku bixiyay in xilka laga qaado gudoomiyihii isbaaro la dhigto degmada uu maamulaha ka yahay.
Askar badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay in ay isbaaro dhigtaan wadooyinka Muqdisho.


