DHAGEYSO:- Xildhibaanadda baarlamaanka Galmudug oo eedeeyay Hogaanka Maamulkaasi

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug oo saxaafadda la hadlay ayaa eedeyn u jeediyay hogaanka maamulka Galmudug, sida madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xildhibaanada ayaa dhaliilsan maamulada dhawaan loo sameeyay magaalada Gaalkacyo iyo degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen in hogaanka sifo aan wanaagsan u maray dhismaha maamuladda degmooyinkaasi.

Xildhibaanada waxay shaaciyeen in cadaalad daro ay tahay qaabka loo wajahay dhismaha maamulkii ugu dambeeyay ee degmada Hobyo, waxayna ka dalbadeen hogaanka Galmudug iney arimahaasi wax ka badalaan.

Sidoo kale waxay arin lala yaabay ku tilmaameen in hogaanka maamulka Galmudug dhismaha maamulada degmooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo u marin qaab ugu macquulsanaa.

Galmudug ayaa dhawaan maamulo cusub u dhistay degmada Hobyo iyo magaaladda Gaalkacyo.