DHAGEYSO: Maamulka G/Banaadir & Laamaha amaanka oo amniga ka wada shaqeynaya

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Maxamed Jimcaale ayaa ka hadlay xaaladaha dhanka amaanka ee gobolka Banaadir  iyo sida loo xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho.

Iyadoo laga duulayo xaqiijinta dhanka amaanka ayuu sheegay gudoomiyaha in laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ay iska kaashan doonaan xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney sameynayaan qorshooyinka cusub oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay iney kaga hortagayaan weerarada Al-shabaab ka geystaan caasimada Soomaaaliya.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in la xaliyay mugdigii u dhaxeeyay hayadaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir, taasina ay sahli doonto iney si wadajir ah amaanka kaga shaqeeyaan.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka u jeediyay iney la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga hortago dadka falalka amni darida ah ka geysanaya magaalada Muqdisho.