Norway-RisaalFM- Iyadoo dhowaan dowladda Norway ay sheegtay in dhalashada ay kala laabatay dad farabadan oo ku nool dalkeeda oo ay ubadan yihiin Soomaali ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xidlhibaan Baashe Muuse oo ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Oslo ee dalka Norway.
Xildhibaan Baashe Muuse ayaa waxa uu sheegay in dowladda Norway ay dib u eegis ku sameyneyso Soomaalida heysata dhalashada Norway.
Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo ka tirsan Golaha deegaanka magaalada Oslo ee caasimadda Norway, ayaa sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyay arrintan.
Dadka dhalashada lagala noqday ayaa qaarkood la daba-galay boggagooda facebook, lana baaray magacyada ay isticmaalaan iyo sawirrada ay soo dhigaan facebook.
Dalka Norway ayaa waxaa ku nool Soomaali gaareysaa 36,000 oo ruux oo intooda u badan ah dhalinyaro soo galey tobankii sano ee ugu danbeysay, waxayna bulshada Soomaalidu ku asteysantahay in ay tahay jaaliyadda ugu dhex galka yar mujamaca Norway, ismarkaasna ugu shaqada yar taasoo keentey in ay far muuq joogta ah kala kulmaan warbaahinta iyo ururada soogalootiga neceb.
Wariye Salaad Xuseen Maxamuud oo magaalada Oslo ee dalka Norway ku sugan ayaa waxa uu arimahaasi ka wareystay Xildhibaan Baashe Muuse oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Norway.


