Ciidamo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho tababar loogu soo xiray ciidamo boliis ah kuwaas oo laga soo kala xuley degmooyinka gobolka Banaadir ayaa inta uu socday tababarka waxaa lagu bartay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen shacabka degmada ku nool iyo saldhigyada Booliska.

Tababarka oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Wacyigalinta Wasaaradda Amniga, waxaana soo xiray tababarka agaasimaha guud ee wasarada Amniga Gudaha Xukuumadda soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka booliska.

Agaasimaha waaxda wacyi galinta iyo xiriirka bulshada Wasaradda Amniga Gudaha C/laahi faarax Siyaasi oo hadal ka jeediyay Xafladda Xiritaanka Tababarka ayaa sheegay in 7 cisho oo uu tabarku socday la baray ka qeybgalayaasha Casharro muhiim ah ku aadan wadashaqeynta booliska iyo bulshada degmada ku nool.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa umahadceliyay qabanqaabiyeyaasha Tababarka isagoo kula dardaarmay Qeybaha ka qeybgalay tababarka in ay bulshada ku celiyaan ugana faa’ideeyaan Casharadii la baray.