Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ku dhawaad 3 qof ay ku dhinteen shan kalana ay ku dhawacmeen dagaalkii u dhaxeeyey ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Galmudug ay weerar ku qaadeen Xarunta Kafaalo oo ciidamada 21-aad loogu qaybinaayay Mushaaraad.
Xalaada magaalada Cadaado ayaa hada dagan,waxaana la sheegaya in laga qaaday ciidankii ku dagaalamay saakay magaalada Cadaado.
Mas’uuliyiinta iyo wax-garadka Cadaado ayaa sheegay in lala xisaab tami doono cidda yeelata is-ku dhaca geytay khasaaraha ee ka dhacay Cadaado.


