Dadkii ka barakacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabeen in ay dib uga laabtaan magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dadka ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan xaafadihii ay ka barakaceen ee magaalada Baledweyne ee xarunta Hiiraan ka dib markii xaalada magaalada Baledweyne ay is badashay oo ay yaraatay fatahaadii webiga Shabeele uu ka sameeyey xaafado badan oo ka tirsan magaalada Baledweyne.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne ayaa ku baaqaayey maalmihii la soo dhaafay in ay dadkii ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laabtaan madaam xaalada magaalada ay hada tahay mid wanaagsan.
Dhawaan dadkii ka barakacay fatahaada wabiga Shabeele iyo sidoo kale dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa dowladda Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti waxay deeq lacageed ku gaarsiiyeen duleedka magaalada Baledweyne.


