DHAGEYSO: Xaalada guud ee magaalada Marka sida ay tahay

Dhowaanahan waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isaga baxeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo goobaha ay ciidanka dowladda baneeyeen la sheegay in mararka qaar ay imaanayeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Waxaana arintaasi beenisay AMISOM oo war kooban ka soo saartay, waxaana ay sheegtay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin Marka.

Nabadoon Maxamed C/laahi Xuseen oo ka mid ah Waxgaradka Marka, waxaana uu ka hadlay xaaladaha ugu dambeeyay ee magaalada Marka.