Kenya-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada amaanka Kenya ku toogtay xalay deegaanka Kapenguria ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo kooxii dilka geystay ay islamarkiiba ka baxsadeen goobta.
Askarta la dilay ayaa la sheegay in xilliga la tooganayay ay ku jireen howgallo ay ku sugayeen amaanka deegaankaasi oo ay dhawaanahan ka dhacayeen ugaarsi u dhexeeya beelo Soomaaliyeed.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Kapenguria ayaa laga soo xigtay in askarta la dilay ay ka mid ahaayeen ciidamada amaanka Kenya, iyadoo goobtii lagu dilay ay soo buux-dhaafiyeen ciidamo kale oo Kenyan ah, kuwaasoo maydadka askarta goobta ka qaaday.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Askar ka tirsan Booliska Kenya lagu dilo deegaanka Kapenguria oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo aanay jirin cid ay dowladda Kenya ku eedeysay in ay ka dambeyso dilalka loo geystay Askartooda.
Xaaladda deegaanka Kapenguria ayaa degen saakay iyadoo si weyn ay dadku u hadal hayaan dilkii xalay loo geystay Askarta Kenyanka ah ee howlgalka amaan-sugidda ah ku jiray.


