Hiiraan-RisaalaFM- Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay fariin udireen urur goboleedka IGAD kadib markii maanta ay kulan ku yeesheen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in urur goboleedka IGAD ay uga fadhiyaan in ay yimaadaan magaalada Beledweyne iyaga oo sida fariinta ah in gobolka Hiiraan oo laba gobol ah uu ka qeyb galo dhismaha maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Odayaasha ayaa sheegay hadii aysan IGAD arintaasi fulin karin in markale aysan ku soo noqon karin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Mudooyinkii dambe urur goboleedka IGAD ayaa waxa uu waday dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan dhismaha maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, hayeeshee waxaa muuqata in Odayaasha gobolka Hiiraan ay soo bandhigeen shuruud adag oo ku aadan in gobolka Hiiraan loo qeybiyo Labo gobol.


