DHAGEYSO: Ehelada Suxufiyiintii lagu Dilay Muqdisho oo Deeq Raashiin ah loo qeybiyay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddi ka kooban Bahda Saxaafadda oo loo idmaday qeybinta Raashiinkan ayaa maanta waxa ay magaalada Muqdisho ugu qeybiyeen Ehelada suxufiyiintii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa ka timid dowladda Turkiga, waxaana suxufiyiintan ku wareejiyay Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya.

C/qaadir Faarax Dulyar oo ka mid ah Guddigii qeybinayay Deeqdan loo qeybinayay Ehelada suxufiyiintii lagu dilay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sida Deeqda maanta ay uqeybiyeen.

Ehelada suxufiyiintii lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Deeqdan loo qeybiyay ayaa dhankooda ka mahadceliyay in la soo xusuusto,waana markii ugu horeysay Deeq nuucaan oo kale ah loo qeybiyo Ehelada suxufiyiintii lagu dilay Magaalada Muqdisho.