DHAGEYSO WAREYSI: Afhayeenkii Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo is casilay

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo, kadib hadal kooban oo uu siiyay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho.

Mar aan weydiinay Afhayeenka Sababta uu isku casilay ayaa wuxuu inoo sheegay in ay tahay inuusan u jeedin hormar dalkan in lagu sii hoggaamiyo la doonayo, wuxuuna tilmaamay in uusan mar walba fiirsan karin in shacab la gumaaday uu ka dul hadlo.