Dhageyso Baaritaan ku saabsan halista & isticmaalka tubaakadda Taabuuga

Muqdisho-RisaalaFM- Tabu waa Tubaako loo isticmaalo si ka ka duwan Sigaarka lama shido laakiin si la mid ah Tubaakada laga isticmaali jiray dalka ayaa la geliyaa inta u dhaxeysa faruurta iyo ciridka.

Dalalka ugu badan ee laga isticmaalo waxaa ka mid ah India iyo China, tirada dadka ugu badan ayaana dalalkaasi u geeriyooda xanuuno ka dhashay isticmaalka kadib sida Daraasado lagu sheegay.

Inkastoo Daraasad rasmi ah aanan laga sameyn hadana goobaha Iskuulada, Barxadaha kubadda lagu cayaaro iyo meelaha dhalinyarada ay ku kulmaan ee magaalada Muqdisho ayay caan ka noqotay Tubaakadan.

Dhalinyarada isticmaasha waxay kuu sheegayaan inay ka helaan awood dheeri ah, deganaan dhanka maskaxda ah marka ay joogaan goobaha waxbarashada iyo iyagoo qaarkood iska isticmaala sabab la’aan.

Warbixintan waxaa inooga diyaariyay Tabu iyo halista uu leeyahay Wariyaha Risaala, Mohamed Isse Mohamud:-