Home FAALLOOYINKA DHAGEYSO WARBIXIN:- Ka hadleysa jidadka xiran iyo ammaanka Muqdisho

DHAGEYSO WARBIXIN:- Ka hadleysa jidadka xiran iyo ammaanka Muqdisho

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Miisaaniyadda ay ansixiyeen Baarlamaanka 4-tii bishii Afaraad 2017 waxa ay aheyd mid ka duwan kuwii ka horeeyay ee la ansixiyay, waxa ay gaareysay 267,554,364 $, waxaana ahmiyadda Koowaad ee Miisaaniyadda lagu sheegay adkeynta ammaanka, adeegyada caafimaadka iyo horumarinta dalka.

Shirar badan oo ammaanka dalka looga hadlayay ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana dhammaantood laga soo saaray heshiisyo kala duwan oo amniga ku saleysan.

Bishii February 2016 iyo bishii June 2018 siyaabooyin kala duwan ayaa ammaanka magaalada Muqdisho loogu wareejiyay hoggaanka maamulka gobolka Banaadir, iyada oo la sheegay in degmo walba lagula xisaabtami doono waxyaabaha ka dhaca.

Warbixintan ka hadleysa jidadka xiran iyo ammaanka Muqdisho waxaa diyaariyay Wariyaha Risaala Mohamed Isse Mohamud.