Dhageyso:-Ururka ONLF oo cabasho u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Magaladea Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa markii ugu horeysay kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxda ugu sareysa Jabhadda ONLF.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Madaxda Jabhadda ONLF ay soo bandhigeen tabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan dowladda Itoobiya iyo Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha Ururka ONLF iyo Xoghayaha Ururkaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kala hadlay tabashooyinka ay ka qabaan guddiyada ay Soomaalida ku yaryihiin ee kala ah guddiga tirakoobka,guddiyada xaduudaha iyo Arrimaha dhaqaalaha iyo kheyraadka.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in kulankaas sidoo kale uu ahaa mid lagu dhameystirayo heshiiskii ONLF iyo Itoobiya ay gaareen Bishii November ee Sanadkii tegay ee 2018.

Dhageyso Codka Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Cadaani Hirmooge.