DHAGEYSO: Ugaas Cali “Dagaalka Marka waxaa ka dambeeya gacmo shisheeye”

Iyadoo dagaal beeleedyo ay ka dhacayaan  gobolka Shabellaha Hoose ayaa qaar ka mid ah odayaasha waxay  sheegeen  in ay jiraan gacmo ka madax banaan  beelaha ku dagaalamaya gobolka Shabeellaha Hoose

Waxgaradkaan ayaa tilmaamay  in ay jiraan gacmo shisheeye  oo ka dambeeya dagaalada ka dhacay magaalada marka iyo  sidoo kale degmooyinka ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Ugaas Cali Xaashi oo ka mid ah Waxgaradka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in mid ka mid beelaha daga gobolka Shabeellaha Hoose  ay taageerto AMISOM.

Dhinaca kale maamulka gobolka Shabeellaha Hoose aya sheegay in  ay waqti ku bixin doonaan xalinta dagaalka marka.