Gudoomiyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aadan Cali oo lahadlay radio Risaala ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado dadaalo ku aadan xalinta dagaal beeleedyo markale ka soo cusboonaday gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan magalada marka iyo degaano hoos yimada.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in uu rajo wanaagan ka qabaan xalinta iyo guul ka gaarista dagaal beleedyada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose
Odoyaasha ay kaso jeeda labada dhinac ayaa sheegay in ay la kulmi doonan sidii lo joojin lahaa dagal beleedyada kusoo laablaabtay magaalada Marko.
Magaalada Marka ayaa waxaa ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay dagaal beeleedyo saameen ku yeeshay dadka iyo isku socodka ganacsiga magaaladaas.


