Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala waxaa ka socda Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala, kaasi oo maraya qeybihiisa hore, waxaana weli socda wareegiisa labaad.
Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala sanadkan waxaa taaba galinaya Jaamacadda Banaadir, taasi oo abaalmarino qaali ah oo ay ku farxaan siin doonta Dugsiyada kaalmaha hore ka gala Tartankan.
Su’aalaha la isku weydiinayo Tartankan ayaa waxa ay yihiin kuwo ku saabsan Afka-soomaaliga iyo Taariikhda dalka, waxaana looga gol leeyahay hormarinta Afka-soomaaliga.
Maanta Tartankan waxaa isku arkay Iskuulada Tanaad iyo Al-najaat, kuwaasi oo xarunta dhexe ee Risaala kula soo shir tagay min 5 Arday oo ay wehliyaan macalimiintooda.
Iskuul walba ayaa waxa uu xaq u leeyahay in la weydiiyo 6 su’aal, waxaana tartankan ka qeyb galaya ilaa 16 iskuul, oo ku yaalla Gobolka Banaadir.
Galabta waxaa guuleystay iskuulka Tanaad oo keensaday 13 dhibcood, halka iskuulka Al-najaat oo la tartamayay uu la yimid 7 dhibcood.
Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dusgiyada sare ee Idaacadda Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartanka iyo iskuulka badiyay.
Maalinta berri ah waxaa tartami doona iskuulada Halgan iyo Sheekh C/xafiid, kuwaasi oo si hordhac ahaan aan ula hadalnay ay inoo sheegeen in ay diyaar garoobeen.



