Talyaaniga-RisaalaFM- Ciidamada Badda ilaaliya ee dalka Talaayinga ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay Badda Cad ka badbaadiyeen 3300 oo qof, sida ay qortey Reuters.
Maalmihii Sabtida iyo Axadda waxaa dhacay ugu yaraan 26 hawlgal, oo lagu badbaadinaayo dad isku soo biimeeyey badda, waxaana badbaadinta ugu badan ay ka dhacdey xeebaha dalka Libya.
Sid laga soo xiganayo ciidanka Mariiniska Talyaaniga waxaa hawlgalkaas ku geeriyodey Hal qof, waxaana ku dhaawacmey Afar qof oo kale kuwaas oo lagu qaadey Diyaaradaha Qumaatiga u kaca waxaana la geeyey Isbitaal ku yaala Jasiiradda Lampedusa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegtey in sanadkan dad gaaraya 60,000 oo qof ay Doonyo ku ymaadeen dalka Talyaaniga.



