Sadio Mane oo Tijaabada Caafimaadka u maray Liverpool

Mane Sadio Mane ayaa tijaabada caafimaadka u maray Liverpool, iyadoo kooxda ka dhisan Anfield Road ay qiimihiisa lacageed kala heshiisay kooxdiisa Southampton waxayna marka hore bixin doontaa 34 milyan oo ginni iyadoo dib ka dhiibi doonta 2 milyan oo ginni, taasoo ka dhigan inuu heshiiskiisu wadar ahaan ku kici doono 36 milyan oo ginni.

Heshiiska Mane ayaa la filayaa in la dhammeystiro bartamaha Isbuucaan, wuxuuna noqon doonaa saxiixii afaraad ee uu xagaagaan sameeyo tababaraha reer Germany Jurgun Klopp iyo guud ahaan ciyaaryahankii shanaad ee ay Liverpool kala soo wareegtay Southampton seddaxdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Shabakadda Sky Sports News HQ ayaa fahamsan inay Liverpool marka hore bixin doonto 34 milyan oo ginni, iyadoo dib uga dari doonta 2 milyan oo ginni oo gunno ah oo ku xiran qaab ciyaareedkiisa.

Dejan Lovren, Adam Lallana iyo Nathaniel Clyne ayaa weli ku sugan kooxda ka dhisan Anfield Road, halka Rickie Lambert uu u dhaqaaqay West Brom ka dib hal xilli ciyaareed oo uu joogay kooxda uu asal ahaan kusoo barbaaray.

Si kastaba ha ahaatee, 24 sanno jirkaan u dhashay dalka dhaca qaaradda Africa ee Senegal ayaa noqonaya saxiixii afaraad ee Liverpool ka hor xilli ciyaareedka soo aadan 2016 illaa 2017 ka dib markii ay xilli hore kooxdaani xaqiijisay saxiixyada xiddiga qadka dhexe Marko Grujic, daafaca dambeedka dhexe Joel Matip iyo goolhaye Loris Karius.

Qiimahaan ayaa ka dhigi doona Mane ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan taariikhda Liverpool isagoo ka dambeeya keliya Andy Carroll. Wuxuuna dhaliyey 21 gool oo horyaalka England Premier League ah 67 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu Saints uga soo biiray kooxda reer Austria ee Red Bull Salzburg laba sanno ka hor.