Juventus oo Qalinka Cas ka saartay Man United Iyo Real Madrid saxiixa Pogba

Juventus ayaa si ba’an ugu dagaalameysa in ay ceshadaan xiddiga ay wada doonayaan Manchester United iyo Real Madrid Paul Pogba, sida ay sheegayaan wararka Italy.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ayaa lala xiriirinayay qaar ka mid ah kooxaha adduunka ugu waweyn, sida kooxda difaacaneysa Champions League ee Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, TuttoSport ayaa sheegtay in  kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ay diidan tahay in ay iska iibiso hantideeda ugu qaalisan sida uu sheegay wakiilka ciyaaryahanka, Mino Raiola.

Qof kasta waxa uu doonayaa saxiixa Pogba, lakiin kooxdiisa ayaa rabta in ay ka saxiixdo heshiis cusub ciyaaryahanka.

Juve ma soo dhaweyn doonto dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka oo ah £ 120m, ayuu yiri wakiilka xiddiga Mino Raiola.

Kooxda ku guuleystay Serie A,  shanta jeer ee xiriirka ah, ayaa diyaarineysa qorshe ay ugu celineyso Juventus Stadium ciyaaryahanka reer France.

Dani Alves ayaa hadda tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Juventus, isagoo kaga soo dhaqaaqay Barcelona beeca xorta ah.