USA-RisaalaFM- Olole looga talaalayo cudurka Jadeecada oo faro ba’an ku haya caruurta Soomaalida ayaa ka bilowday Gobolka Minnesota, sida ay sheegeen Gobolkaasi.
Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Minnesota ayaa wada ololahaasi, caruurta Soomaalida cudurka Jadeecada looga talaalayo.
Ilhaan Cumar waxa ay ka mid tahay masuuliyiinta ololahaasi, waana xildhibaan laga soo doortay Gobolka Minnesota.
Waxa ay sheegtay in ay wadaan wacyigelinta ku aadan dhibaatooyinka uu leeyahay cudurka jadeecada oo faafaya.



