DHAGEYSO: Somaliland oo u dabaal degeysa 18-ka May

Muqdisho-RisaalaFM- 26-sano ayaa laga joogaa markii Maamulka Somaliland uu ku dhawaaqay gooni isutaagiisa ku aadan in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

18-kii May 1991-kii shirweyne ka dhacay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa hoggaan dhaqameedkii bulshooyinkii ku noolaa Gobolada Awdal iyo Togdheer, waxa ay ku go’aansadeen in ay sameystaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteed kale.

Dabaaldegyo koo kooban ayaa maanta waxaa la filayaa in ay ka dhacaan Burco, Berbera, Hargeysa iyo magaalooyin kale oo waa weyn, taasi oo lagu muujinayo 18-ka May.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in sanadkan Dabaaldegyadii badnaa ay ku bedeleen in ay taageeraan dadka ay saameeyeen Abaaraha.

W/D:- Mohamed Abdi Ali