Muqdisho-RisaalaFM- Maalintii Saddexaad waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Qodobada maanta looga hadlay waxaa ka mid ah sida loo xalin karo Khilaafyada Soomaalida, qaabkii loo maray xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay degaanada Maamulada Somaliland, Puntland, iyo Galmudug.
Sidoo kale waxaa maanta la soo bandhigay qaabkii ay ku dhismeen Maamulada Puntland, Somaliland, iyo Galmudug iyo wadadii ay u mareen dhismahooda.
Waxaa sidoo kale la soo bandhigay kulamo dib u heshiisiin oo Odayaal dhaqameedyo iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulada Puntland, iyo Galmudug ay ku qabteen degaanadooda.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa koormeer kedis ah maanta ku tagay goobta uu shirku ka socday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa koormeeray qaabka uu shirka u socday iyo sida ay u wada shaqeynayaan Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xubnaha ka qeyb galaya shirka.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay qaabka uu ku socdo Shirka iyo Ujeedada Wasaarada ay ka leedahay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa marka hore u mahad celiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa uuna ka warbixiyay faa’iidada ay dib u heshiisiintu leedahay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kula dar daarmay dadka ka qeyb galaya Shirkan in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan Arrimaha Nabada, dib u heshiisiinta iyo hormarinta dalka.












